Cancelo waa ciyaaryahan Bayerd Munchen

 Suxufiga ciyaaraha ka faallooda ee Fabrizio Romano ayaa xaqiijiyey in Kooxda Bayern Munich ay dhammaystirtay heshiiska ay kula wareegeyso daafaca Man City ee João Cancelo.


Waxa ay kula wareegayaan heshiis amaah ah oo haddii loo baahdo ay si joogto ah ugu iibsan karaan 70 Milyan oo Euro.


Dhinaca kale Cancelo ayaa u sheegay tababare Pep Guardiola inuu doonayo inuu tago, waxaana uu caawa tijaabada caafimaad u mari doonaa kooxda Bayern Munich.


- ARMAAN AHMED 

Comments