Kooxaha Dekedaha SC & Horseed SC ayaa lakala ballansan kooxaha Arta Solar ee dalka Jabuuti & kooxda reer Burundi ee Rukinzo

 BIG DAY ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด⚽️๐Ÿ‘‹๐Ÿฝ DEKEDAHA & HORSEED ๐Ÿค


✅ Dekedaha SC ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด vs Arta Solar ๐Ÿ‡ฉ๐Ÿ‡ฏ

✅ Agg: (2-0) CAF Champions League

✅ Rukinzo ๐Ÿ‡ง๐Ÿ‡ฎvs Horseed SC ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด

✅ Agg: (0-0) CAF Confederation Cup


Kooxaha Dekedaha SC & Horseed SC ayaa lakala ballansan kooxaha Arta Solar ee dalka Jabuuti & kooxda reer Burundi ee Rukinzo


Labdaan kooxood waxey midkood ama labadooda noqon karaan kooxahii Soomaalida ee ugu horreeyay ee u gudba heerka labaad ee isreeb-reebka labada koob ee ugu xiisaha badan heerka kooxeed ee Afrika (CAF Champions League & CAF Confederation Cup).


DEKEDAHA SC

Kooxdaan ku guuleysatay horyaalka heerka 1-aad ee dalka (Somali National League) waxey lugtii hore ku badiyeen (2-0) waxeyna caawa u baahan yahiin iney ka badbaadaan guuldaro ama xitaa hadii looga badiyo farqi (1-gool) ah maadaama wali Afrika uu ka jiro sharcigii (Goal Away-ga).


Dekedaha 90% ayey heysataa fursadda ay ugu gudbi karto wareega xiga, waxeyna noqon doontaa kooxdii ugu horreysay Soomaali ah oo u gudubta wareega 2-aad ee isreeb-reebka koobka CAF Champions League.


HORSEED SC

Kooxda Horseed SC oo kaalinta 2-aad ka gashay iyana horyaalkii dhamaaday, waxey kulankii lugta hore barbaro (0-0) ah la gashay kooxda Rukinzo waxeyna u baahan yahiin iney guul gaaraan ama hadii ciyaarta ku dhamaato barbaro goolal leh maadaama ay marti yahiin.



Horseed waxaa la leeyahay 50% ayey heysataa fursadda ay kusoo bixi karto, waxeyna noqoneysaa hadey gudubto kooxdii ugu horreysay Soomaali ah oo u gudubta wareega xiga ee isreeb-reebka CAF Confederation Cup.



Maxaad u rajeyneysaa labada kooxood?

Aragtidaada ๐Ÿ‘‡๐Ÿฝ

#Aki

Comments

Popular posts from this blog

Xili Saakey Madaxweynaha Realmadrid Laga Keenay Sawir Uu Farta Dhexe ๐Ÿ–• taagayay

Horyaalka Italy oo kudhacday arin mucjiso ah...

Nasiib xume kale